Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo sheegatay in ay askar AMISOM ka tirsan ku dishay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay in qaraxyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dishay saddex ka mid ah Ciidamada AMISOM, seddex kalena ay ku dhaawacday.

Qaraxyada oo saaka ka dhacay Degmada Huriwaa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay afar qof oo sababsaday rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM,waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

Al-Shabaab waxaa ay sheegtay in qaraxa kowaad lagu qarxiyay Gaari booyad ah,kaddibna Ciidan dhulka u degay Qarax labaad la kulmeen halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay sida ay sheegeen.

Dadka ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa saaka dhigay Banaanbax ay uga soo horjeedaan dilka Ciidanka AMISOM ay u geysteen dadka Rayidka ah.

Ciidamada AMISOM ee lala eegtay qaraxyadan ayaa ah kuwa badanaa gurmadka iyo zaadka geeya xerada  Maslax ee duleedka Muqdisho waxaana dhowr jeer ay la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah oo looga gubay gaadiid, askarna looga laayey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this