Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso ) Qoysaskii ku barakacay dagaalkii Dhumay oo deeq la gaarsiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ilaa 1500 oo qoys oo ka barakacay dagaaladi bishii hore ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool ayaa la gaarsiiyey Gargaarkii u horeeyey oo ah raashin, gogol iyo bustayaal, deeqdan waxaa soo diray Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Cagjar.
Gudoomiyaha deegaanka Dhumay Faarax Barre ayaa Puntlandi.com usheegay in ay jiraan kumanaan qoys oo wali aan wax gargaar ahi gaadhin marka laga tago 1500 ee hadda raashinka iyo googosha helay.
Wuxuu sheegay in dadku baahiyo badan wali ay qabaan wax ka horeeyey gargaarkan hadda la keenayna aysan jirin, wuxuuna baaq u diray cid walba oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkan barakacay.
Deegaanada lagu barakacay oo kala duwan ayaa dadka ku barakacay waxa ay gaarayaan  ilaa 6000 oo qoys oo ka barakacay 7 deegaan oo ay wada degaan labada beelood ee Dhumay ku dagaalamay dadka barakacay ayaa ku arooray ilaa 9 kaam oo kala duwan oo qaar kood dhacaan gudaha xadka Ethiopia.
      Gudoomiyaha Deegaanka dhumay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this