Deeq A. Posted November 6, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa barqanimadii maanta banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday Ciidamada AMISOM uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dibadbaxayaasha ayaa cabasho ka ahaa fal dil ah oo saaka AMISOM ay ka geysyeen Isgoyska Ex Koontarool Balacd ee degmadaasi, kadib markii qarax lagula eegtay halkaasi. Illaa iyo 4 Qof oo rayid ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rasaas ay fureen Ciidamada Midowga frika ee AMISOM. Ehellada dadka la dilay oo Darawaliin ahaa ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in wax ka qabato arrintaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/dad-.mp3 The post Banaanbax ka dhan ah AMISOM Oo ka dhacay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites