Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwayne Kenya oo laga dalbaday joojinta kaluunka Soomali

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Sh.M.Network) – Guddiga kaluumaystada maamulka Laamu ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay  Madaxwayne Uhuru Kenya in uu Mamnuuco kaluunka ay gudaha dalkaasi geeyaan ganacsatada Soomalida taas oo ay sheegeen in ay sameyn ku yeelatay kaluunka laga soo saaro gudaha dalkasi Kenya.

Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha kaluumaystada deegaanka xebedka Lamu ee dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in Kaluunka laga soo dhoofiyo dalalka  Soomaaliya iyo Tanzania uu suuq la’an dhigay Koodii, islamrakaana loo baahan yahay in dowladda dhexe ee Kenya ay dalka ka mamnucdo kaluunka laga keenyo dalalka deriska la ah.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa horay uga manuucay dalka Kenya in keeno kaluunka lasoo dhoofiyo dalka Shiinaha kadib markii ay sidaan oo kale cabasho uga timid kaluumaystada reer Kenya, kuwaasi oo tibaaxay inuu saameyn dhaqaalo ku yeeshay.

Ganacsatada Kaaluunka ee dalka Kenya ayaa ku eedeyay ganacsatada Soomaalida ah in ay  qiimo hoose ku iibinayaan kaluunka taas oo ay ku doodayaan in hadii ay ku ibiyaan dhankooda ay ku qasaarayaan.

Kenya ayaa Soomaaliya usoo dhoofisa Khaad ku kacaya malaayiin Dollar, xili aanan la saadaalin karin go’aanka uu Madaxwayne Kenyatta ka qaadanayo cabashadda uga yimid Ganacsatada ka beec-mushtarta Kaluunka.

The post Madaxwayne Kenya oo laga dalbaday joojinta kaluunka Soomali appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this