Deeq A. Posted November 6, 2018 Wararka naga soo gaaraya Ex-control Balcad, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM. Goob jooge ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay ka dhalatay khasaare kala duwan. Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna la sheegay in ay fureen rasaas xooggan oo waxyeello soo gaarsiisay dad shacab ah oo goobta ka dhowaa. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan inta uu la egyahay, iyadoo xaaladdu tahay mid aad u adag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites