Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalintii Ugu Dambeeysay Ee Ololaha Doorashada Dhexe Ee Mareykanka Iyo Xisbiga Dimuqraadiga Ah Oo Rajaynaya Inuu Dib Ula Wereego Maamulka Aqalka Wakiilada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xisbiga mucaaradka ee dimuqraadiga ah ayaa rajaynaya inuu dib ula wereego maamulka aqalka wakiilada, halka xisbiga Republican-kana uu doonayo in ay sii xajistaan maamulidda aqalka Senate-ka.

84e0dc2e-739d-49cf-a690-8ad0f7fca51a.jpg

Waxaa la rajayanayaa in ay dadka aad isugu soo baxaya doorashada berito ah oo qiyaas ahaan gaaraya in kabadan 34 milyan oo qof.

Taageerayaasha madaxweyne Donald Trump iyo kuwa Barack Obama ayaa maalintii Axadda ah isu soo bax ballaaran sameeyay.

“Talaadada ayaad codbixinta u dareereeysaan oo aad codkiina dhiibanaysaan,” ayuu Mr Trump u sheegay taageerayashiia.

Maalmihii ugu dambeeyay Mr Trump ayaa aad uga hadlayay arrimaha socdaalka dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this