Deeq A. Posted November 6, 2018 Abba Awow Suufi oo xilkii laga qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa xil’ka-qaadis ku sameeyay wasiiru-dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulkiisa. Wasiiru-dowlaha xilkii laga qaaday oo lagu magacaabo Abba Awow Suufi Caffan ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay aflagaaddo iyo anshax-xumo ka baxsan hab-maamuska iyo sharafta golaha wasiirada Koonfur Galbeed,sida ku cad digreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Hase yeeshee xil’ka qaadista ayaa soo baxday waxyar kadib qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa Facebook,kaasoo uu xubnaha golaha wasiirada iyo xildhibaannada taageersan Shariif Xassan kaga dalbaday in ay mudda 72 saac gudahood ah uga baxaan qasriga madaxtooyada KFG. Mas’uulka xilkii laga qaaday oo sidoo kalena ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa si weyn u dhaliilsanaa madaxweyne Shariif Xassan,waxaana la sheegayaa in uu maalmahan dambe qeyb ka ahaa ol’ole ka dhan ah siyaasadda madaxweynaha. Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajahaya qalalaase siyaasadeed,kadib markii ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaasi oo ka cabanayey fara-gelin ay sheegeen in ay ku hayso xukuumadda Federaalka. Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isaguna la kulmaya culaysyo kala duwan oo uga imaanaya dhanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. PUNTLAND POST The post Maxay tahay anshax-xumada xilkii looga qaaday Abba Awow? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites