Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelaha Cali Jibraahiil iyo Dubeys oo u hiiliyey Puntland soona Xulay Xubno Barlamaan oo Maqaawiir ah, halka nasiib xumo Gobolka Mudug iyo Nugaal ay soo wadaan, oo loolan u dhaxeeyo Xubno DIBJIRIIN IYO SAAQIDIIN AH

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo lagu gudo jiro hawlihii u diyaar garoowga xiliga kala guurka ah, oo ay fooda inagu soo hayso dhameystirka soo xulida xubnaha cusub ee Aqalka Wakiilada Puntland iyo tartanka doorashada madaxtinimo ee Puntland sannada 2019, ayaa Beelaha iyo Shacbiga Puntland waxay si xoogle ugu mashquulsan yihiin kala reebida iyo soo xulida Xubnaha cusub ee u matali doona Baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socta.

Sida caadada noqotay doorashooyinka xafiisyada Siyaasadeed ee ka qabsooma Puntland iyo guud ahaan Somaaliya ayaa noqday kuwo ah magnet ama birlab soo jiidata dhamaan shaqsiyaadka iyo kooxaha leh dhaqanka habardugaag.

Doorashooyinka ka dhaca Somaaliya ayaa lagu sifeyn karaa Raq ama lax bakhtiday oo daleel cidla u taal, oo ay isugu habar wacdeen dhamaan inta ay ka kooban tahay Habardugaag.

Marka aynu u soo degno dorashooyinka loogu tartamo Aqalka Wakiilada Puntland iyo mid Madaxtinimo ee Puntland ayaa noqday kuwo shacbiga Puntland ka niyad jabeen, oo laga quustay in tartanka lagu dhex arko shakhsiyaad xamaali kara amalka iyo rajada shacbiga Puntland mudada dheer naawilayaan ee ah in maalin uun uu mid lagu meel mariyo maahir u kaco.

Marka aynu si guud ugu kuur galno soo xulista Beelahu soo xulayaan Xubnaha Barlamaanka Cusub ayaa waxaa kuu muqaneyso kala duwanaansho iyo farqi aad u weyn oo u dhaxeeya qaabka kala gedisa ee Beelaha Puntland uadeegsanayaan, ama u maryaan soo xulida iyo doorashada Xubinta Barlamaanka u mataleysa Beesha.

Waxaad arkeysa Beelo aad u dadaalaya, isla markaan ay ka muuqato hiilo iyo in ay lexjecelo weyn u qabaan in ay badbaadiyaan, toosiyaan, isla markaana ka shaqeynaaya xoojinta dawladnimada iyo nidaamka Siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo qabnaaya shirar daah furan oo ay u dhan yihiin dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Beeshu ka kooban tahay.

Shirarkaas oo lagu soo bandhigayo dhamaan musharixiinta damaca iyo hungurigu kaga jiro in ay buxiyaan kuraasta beeshu ku leedahay Barlamaanka,kulamdaas loo dhan yahay ee aan waxba qarsooneyn ayaa suurto gelinaaya in bulshada Beeshu fursad u hesho in ay xushaan shakhsiyaad leh damiir, diin, aqoon, isla markaana garan kara, qaadina kara masuuliyada aadka u culus ee sugaysa.

Sidoo kale kulamdaa daaha furan ee beeshu ku kulmayso waxay meesha ka ceyrinayaan oo ku fashilmaaya shakhsiyaadka habardugaagta ah ama dibjiriinta ah, ee aan akhlaaq,aqoon iyo xitaa aan laheyn wax sifo wanaagsan ah oo lagu doorto.

Beelaha Cali Jibraahiil iyo Dubeys ayaa ku sifoobay Beelaha aan kor ku xusnay ee maanta u hiiliyey shacbiga iyo dawladnimada Puntland, iyagoo soo xulay Xubno Barlamaan, kuwaas oo ah shakhsiyaad waxgaradnimo iyo waayo-argnimoba kulansaday, isla markaan hore xilal sar-sare uga soo qabtay Puntland.

Beesha Cali Jabraahiil ayaa soo xulay xubnahan :
1 – DR.Yasiin Cartan Maxamuud
2 – General Cabdi Cismaan Firdhiye.

Screenshot_20181105-210704_Gallery-540x2

Beesha Dubeys ayaa iyana soo xushay Gudoomiyihii ugu horeyey ee Barkamaanka Puntland Dr.Yusuf Xaaji Siciid.

Gudoomiyaha-Baarlamaanka-DGPL-Yusuf-Xaaj

Waxaa nasiib xumo iyo wax laga naxo ah waxa ka socda Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Goboladaas waxaa duleystay oo isu kaashaday Caaqilo iyo Nabadoono ku sheegeyo calooshooda u shaqeystayaal ah oo tiradii ka batay,oo been abuur ah, kuwaas oo horboodaya, ama xambaarsan oo degta ku wata shakhsiyaad ka kooban Saaqidiintii Qurbaha ku khasaaray iyo Dibjiriintii gudaha, oo orod ugu jira in ay soo galaan Golaha Cusub ee Wakiilada Puntland.

Waa wax laga cawdilo bileysto wax ka socda magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Waxaad arkeysaa Jufooyin hoose oo wada xeydan, oo orod iyo tartan qalfsana ugu jira in ay mid walbaa Dood, Dirir, iyo Dollarba u hurto in iyadu kursiga beesha hesho.

Waa degaano dadkii wax-galka ahaa iyo bulshoweyntii aan waxba laga weydiineyn talada, masiirka iyo soo xulista Xubnaha Barlamaan ee iyaga matalaaya.

Wariyaayasha Warbaahinta Puntlandi oo sida dhaw ula socda tartanka ka socda Garoowe iyo Gaalkacyo ee u dhaxeeya Saaqidiinta Qurbaha iyo Dibjiriinta Gudaha ee ay horboodayaan Nabdoonada been abuurka ahi ee laaluuska ku xoogsada, ayaa soo werinyaa in Shakhsiyaadka laga soo xulidonaa Goboladaasi ay noqon donaan kuwo aan aqoon maadi iyo mid diineed aan midna laheyn oo dulsaar iyo dhaqan xumo horle ku soo kordhin doona Barlamaanka Cusub ee Puntland.

Warbaahinta Puntlandi waxuu u balanqadaaya Shacbiga Puntland in dhamaan Xubnaha Barlamaan ee cusub ee Beelaha Puntland soo gudbiyaan ay mid mid u soo bandhigu doono CV-yadoda,Aqoonta iyo Khibrada shaqo ay leeyiin, waxaanu sidoo kale ka codsaneynaa sidoo kale dhamaan Warbaahinta kale ee Puntland in ay tooshka wareega la dhex galaan shakhsiyaadka aynu ku aamini doono mustaqabalka dhasheena danbe

Halkan ka daawo Xafaldii Beesha Cali Jibrahiil oo sheegtay in ay Puntland u hiilisay, kuna shaacisay Xubnaheeda Cusub ee Barlamaanka Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this