Deeq A. Posted November 5, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Networl)-Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow dil ay ka geysteen deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo watay Gaari Saarif ah oo maray halkaasi. Sida ay dad Goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Shabelle Ragga dilka geystay ayaa Askariga ka qaatay Qoray iyo Gaarigii uu watay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxdii ka dambeysay dilkaasi oo watay Mooto nuuca loo yaqaano Vekon-ta ay goobta isaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo baaritaano ka bibaalay qeybo ka mid ah deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Caasimadda iyo nawaaxigeeda ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites