Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Cali Axmed Gamuute oo ka hadlay musharaxnimadiisa madaxtinimada Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir hore ee ganacsiga iyo Duulista Hawada ee dowladda Puntland Cali Axmed Gamuute, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland, ayaa maanta Muqdisho ku qabtay qabtay shir Jaraa’id oo uu kaga hadlayo taariikh Nolaleedkiisa.

Taariiqdiisa oo Kooban Musharaxa

Cali axmed ayaa ku dhashay Magaalada aAwaare ee Dowlad deegaanka  ismaamulka Soomaalida Itoobiya  Sandkii 1957.

1964 waxa Loo soowareejiyay Soomaaliya waxa uuna ku bar baaray Magalada qardho waxa barashada aas aasiga ah waxa uu ku dhameystay Magaalada qardho sanadii 1973  waxabarashada dugsiga sare waxa uu ka baxay  dugsiga taba barka Wax barashada  Gacanta ee Burco waxa uu dhameeyay sanadii 1977 Hreerka koowaad ee Jamacada waxa uu ka bartay Jaamacada umada Soomaaliyeed kuliyadii in jineeriga 1981.

Marka uu dhameeyay heerka koowaad ee jaamacadda. Waxa loo qaatay Macalinimo, waxaana loo baday Dugsigii Farsamada Gacanta Lafoole sanadkii 1981 ilaa 1982.

Waxa uuna Noqday macalimiintii ugu horeeyay ee Badala Macalimiintii ajanamiga ahaa ee lacagta badan lagu keenijiray si ay waxa ubaraan dadka.

Isla sanadkii Xigay Cali Gamuute waxa loo badalay Dugsiga sare ee Beeraha Af gooye isla sanadkaa 1984 waxa uu maamule ka Noqday Dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Luglug ee Jubada hoose isla sanadkaas waxa loo badalay kuliyadii ciidamada qalabka sida ee Jaalle Siyaad.

Musharaxa Cali Gamuute ayaa Kamid noqday Golahii wasiiradda ee dowladda Puntland sanadihii 2009 ilaa 2013. Waxaa uu soo noqday wasiirkii duulista iyo garoomada Puntland iyo wasiirkii ganacsiga xilligii xukuumadi Cabdiraxmaan Faroole.

Cali Axmed ayaa sheegay in xisbigiisa aayatiin ay diyaar uyihiin in ay utartamaan jagada Madaxtinimo Puntland ee 2019 ka dhici doonto Puntland.

Musharaxa ayaa sheegay in  Hadii ay ku guuleysta Xilkaasi uu wax badan kabadali doono Xaaladaha amni ee deeganada Puntland Kobaca dhaqaalaha xaga wax barashada iyo in ay soo saari doonaan Kheyraadka dhulka Si looga Faa iideysto.

Gamuute oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu ku soobaxo Laaluush ama Musuq maasuq waxa uuna ku macneeyay haddii uu musuq maasuq ku soobaxo uu noqonayo afwax cun Xishoo uusan waxba qaban kari ileen musuq maasuq aan ku soo baxee.

Dhinacakale waxa uu sheegay in uu  Hormarin doonaa Nolasha iyo aqoonta Dadka reer miyiga si dadkaasi reer miiga ah ee aan kutiirsanahay ay noqdaan dad aqoon ahaan iyo nolol ahaan diyaarsan.

Halkaan ka dhegayso codka Musharaxa.

      musharaxa

3.png

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandi.com

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this