Deeq A. Posted November 5, 2018 Sida uu wararka ku helay warsidaha Puntlandi, Madaxweyne Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa gor dhowayd madaxtooyada Koonfur Galbeed isugu yeeray duubabkii dhaqanka ee gobollada Baay iyo Bakool ama Digil Iyo Mirifle. Wuxuu ku wargaliyay in uusan awoodin in uu u tartamo xilka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, isagoo caddeeyay inay dowladda federalku si toos ah u afduubatay howlihii doorashada, iyadoo loo adeegsanayo ciidamo, gaadiid dagaal iyo murashixiin Nabad iyo Nolol si xoog kuwado. Mid ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee goobta joogay ayaa lagasoo xigtay in kaddib ay shirka kusoo biireen Xildhibaano tiro ahaan gaaraya 21 xubnood oo ay ku jiraan xubnihii Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo lala xiriirinayo in ay Shariifka garabkiisa ahaayeen. Waxay kula taliyeen in uusan is casilin oo uu tartamo, balse waxaa uu ku adkaystay go’aankiisa. Warar aanan la hubin ayaa xaqiijinaya in uu si rasmi ah galabta ula hadli doono Murashaxiinta. Puntlandi.com Source Share this post Link to post Share on other sites