Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Wakiilka Qaramada Midoobay oo la kulmay madaxweynaha Ugu dambeeya M-Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo shalay ay gaareen madaxda Galmudug.

Nicholas Heysom, ayaa la kulmaya madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ka wada hadlaya ka qeyb galka shirka shirka dowladda ku baaqday iyo dhexdhexaadinta Dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo midowga Africa ayaa la kulmay madaxweynayaasha maamulada Dalka, waxaana ugu dambeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Madaxda uu la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa u muuqda inay aqbaleen ka qeyb galka dhexdhexaadinta Soomaalida Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir .

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib ayaa wafdiga soo gaaray Gaalkacyo iyo Madaxda Galmudug waxaa u bilowday shir albaabada u xiran yahay islamarkaana Saxaafada ay dibada ka joogto.

45578321_592725951143487_362738594776875 45460284_592725707810178_239470912097327 45412805_592725897810159_540396752014514 45390834_592725867810162_803592646413621 45388083_592725774476838_236433385383054 45460284_592725707810178_239470912097327

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this