Deeq A. Posted November 5, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wasiirka Tamarta iyo iyo Biyaha XFS Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska Casilay xilkaasi. Wasiir Lafta Gareen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu baneeyo xilkaasi, si uu buuxiyo shuruudaha Musharraxnimo ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Waxaana uu intaasi raaciyay in uu yahay Musharrax u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi. Sidoo kale Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in uu u mahadceliyano R/wasaaraha Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay soo dhexmartay wada shaqeyn wanaagsan. Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa ka mid ah Musharraxiinta ugu cad cad doorashada K/ Galbeed oo lagu wado in ay dhacdo 17 bishan November ee 2018-ka. The post Wasiir Lafta Gareen Oo ku dhawaaqay in uu is Casilay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites