Deeq A. Posted November 5, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen dhinaca tayeynta Ciidamada Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan howlgaka AMISOM ayaa xusay in tababar gaar ah ay siiyeen Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka, isagoo intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan taageerada dowladda Soomaaliya. Ciidamada AMISOM ayaa sanadihii la soo dhaafay tababaro siiyay kumanaan ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in Ciidamadooda ay Soomaaliya kala baxaan sanadka 2021-ka, xilligaas oo mas’uuliyada ammaanka dalka lagu wareejinayo Ciidamada Soomaaliya. Golaha ammaanka ee QM ayaa sanadkii hore shaaciyay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan gudaha Soomaaliya dhamaadka sanadka 2020-ka. The post AMISOM Oo sheegtay in ay Tayeysay Ciidamada Somalia appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites