Deeq A. Posted November 5, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Sheekh Mukhataar Roobow Cali ayaa noqday Musharraxii ugu horreeyay ee isu diwaan galiya doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Gudig Doorashada maamulkasi ayaa Shahaadada Musharaxnimo gudoonsiiyay Musharrax Sheekh Mukhataar Roobow oo buuxiyay shuruudihii la soo bandhigay. Roobow ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu guuleysto doorashadaasi oo dhawaan ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ololaha doorashada ayaa si weyn uga socota deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoona ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo daneynaya qabashada hoggaankaasi. Doorashada ayaa lagu wadaa in 17-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Musharrax Madaxweyne Roobow Oo is diwaan galiyay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites