Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Markale Waan Waan Ka Dhexbilaabay Imaraadka Iyo Soomaaliya & Wararkii U Danbeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyad) Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Sacuudiga ay dib u bilowday Dhex dhexaadinta Khilaafka ka dhex jira Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

634BDA76-1B6A-4C88-8926-3F7DE23D169F.jpe

Dowladda Sacuudiga oo hore u qaadatay doorka dhex dhexaadinta labada dal ayaa dhowr jeer ku fashilantay, waxaana markale ay dooneysaa inay isku soo dhaweyso Labada Dal.

Soomaaliya ayaa u sheegtay Sacuudiga in ay soo dhaweyneyso Wada hadal dhex mara Imaaraadka laakiin hada ay ku furan yihiin xiisado siyaasadeed, waxaana ka horeeya xal ka gaarista Khilaafka Imaaraadka kan Maamul Gobaleedyada oo markii xal laga gaaro ay Dowlada Soomaaliya usoo jeesan doonto baaqa Dowlada Sacuudiga.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay shuruud ugu xirtay dib u soo celinta xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka,waxaana ay shuruuddaas ku sheegtay in ay Soomaaliya raalli gelin ka bixiso lacagtii ay Bishii April sida aan sharciga ula wareegtay.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargaash ayaa sheegay in Imaaraadka ay taageereyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya kana taageereyso Amaanka hayeeshee ay tahay dowlada Soomaaliya in ay raalli gelin siiyo Imaaraadka si wixii dhacay looga gudbo.

Dowlada  Soomaaliya ayaa dhankeeda diiday inay soo celiso xidhiidhkii Imaaraadka ka dib ayay yidhaahdeen  markii Faragalin qaawan Imaaraadka Carabta ay ku sameysay siyaasadda iyo arrimaha gaarka u ah Dawlada Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this