Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf oo Xaafada Baraxley kula kulmaya Ergeyga gaarka ah ee QM

Recommended Posts

Deeq A.   

20181105_082642.jpg Bidix: Madaxweyne Xaaf, Sheekh Shaakir Madaxa Xukuumada Galmudug oo fadhigiisu yahay Dhuusamareen…..

Khilaafka hareeyey Maamulka Galmudug ayaa sababay in Ergayga Gaarla ah ee Qaramada Midoobey uu booqan waayo Cadaado ama Dhuusamareeb taas badalkeeda Wuxuu Madaxda Galmudug kula kulmayaa Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa shalay shir uu la qaatay Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano reer Galmudug ah oo Federaalka ka tirsan ayaa waxay wada diyaariyeen Qoraal dheer oo ka dhan ah Xukuumada Federaalka kasoo loo gudbinayo Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xaaf wuxuu kulanka uu maanta la qaadan doono Ergayga Gaarka ah uu si kulul ugala hadli doonaa in Galmidug ay Xiriirkii u jartay Villa Soomaaliya ayna si buuxda uwada shaqeeyaan Maamulada kale.

Shiikh Axmed Shaakir Xaaji oo fadhigiisu yahay Dhuusamareeb kana mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Galmudug ayaa isna wuxuu ku sugan yahay Xaafada Baraxley si uu uga qayb galo kulamada.

Puntlandi.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this