Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobayboo markiisii u horaysay kasoo degay Gaalkacyo una gudbay Xaafada Baraxley

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom waxaa haækaas ku sugayay oo soo dhaweeyey Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Galmudug, Safarkaan uu Ergayga Gaarka ah ku yimid Gaalkacyo wuxuu ugu dambeeyey Safardiisii isbarashada ahaa ee uu ku marayay Dowladaha Soomaaliya.

Safarkaan wuxuu kusoo aadey xili uu Galmudug ka jiro isqabqabsi Siyaasdeed oo sababay in loo kala jabo laba garab oo garab walbaa Madaxweyne leeyahay.

Garabka Cadaado oo dhowaan Madaxweyne ku doortay halkaas waxaa dabda ka riixaya Villa Soomaaliya laakiin Safarka maanta uu kula kulmey Nicholas Haysom Madaxweyne Xaaf waxay muujinaysaa inuu Xaaf wali yahay Madaxweynah Rasmiga ah ee Maamulka.

Faahfaahinta Safarka Ergayga gaarka ah kala soco Puntlandi.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this