Sign in to follow this  
Deeq A.

Mr Haysom oo Gaalkacyo kula shirsan Xaaf iyo Shaakir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Nicholas Haysom iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wefdiga ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir.

Wefdiga Qaramada Midoobay iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa haatan kulan albaabadu u xidhan yihiin ku leh xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Kulanka ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay kaga wada-hadlayaan xal u-helidda khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug oo laba garab u kala jabay iyo sidoo kale xasaradda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku midaysan golaha iskaashiga.

PUNTLAND POST

The post Mr Haysom oo Gaalkacyo kula shirsan Xaaf iyo Shaakir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this