Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Xoggo Culus oo ay bixiyeen Darawalada wada Gaadiid Hub & Saanad Ciidan ssaaran yihiin oo lagu qabtay la shaaciyey inay ka tageen Berbera & Jabuuti oo lagu hayo Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoggo Culus oo ay bixiyeen Darawalada wada Gaadiid Hub & Saanad Ciidan lagu qabtay la shaaciyey inay ka tageen Berbera & Jabuuti oo lagu hayo Cadaado

 candhomeyd-300x225.jpg
 Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa faahfaahin ka bixiyay gaadiidkii dhawaan lagu qabtay magaalada Cadaado oo gaadhayay ilaa lix gaadiidka xamuulka qaada.

Wasiirka madaxtooyada ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado Cumar Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in wali gaadiidkaasi ay ku xaniban yihiin magaalada oo baadhitaano ay ku socdaan.

Wasiirka ayaa sheegay in laamaha amaanka aysan wali dhameyn baadhitaanka ay ku sameynayaan gaadiidka gaadhaya ilaa lix Candho-meed oo looga shakiyay inay hub u wadeen magaalada Dhuusomareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka ay wadeen gawaadhida aan xabadda karin oo loo waday magaalada Dhuusomareeb halkaasi oo wafuud ka socoto Qaramada Midoobay la filayay inay gaadhaan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la wareystay qaar ka mid ah darawalada waday gawaadhida ayna sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Jabuuti, islamarkaana ay u socdeen Magaalada Muqdisho.

Laakiin wasiirka ayaa sheegay in arintaasi aysan macquul aheyn maadaama Cadaado iyo Muqdisho inta u dhaxeysa lawada ogsoon yahay meelaha qaar ee lasoo marayo inay Al Shabaab ku sugan yihiin.

Darawalada ayaa siyaabooyin kala duwan u hadlay waxay qaarkood sheegeen inay ka yimaadeen Berbera iyo Jabuuti, laakiin iyo hadda si cad looma sheegin waxa gaadiidka saaran, taasina shakiga ayay sii kordhineysaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this