Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka aloosan Dararweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad dagaal oo u dhexaysa laba beelood ayaa saaka laga soo sheegaya degaanka Dararweyne oo hoostaga degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Xiisadda ayaa sida la sheegay qaraxday kadib markii xalay koox hubaysan oo hab beeleed u abaabulan ay degaankaasi ku dileen nin u dhashay mid kamid ah labadaasi beelood.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaysatay aan weli gacanta lagu soo dhigin,balse ehelada ninka la dilay ayaa diiday in la aaso ilaa laga soo qabto kooxdii dishay.

Sidoo kale malayshiyaad u dhashay beesha wax laga dilay ayaa hub uruursi bilaabay,waxaana ay ku hanjabeen in ay dagaal ridayaan,haddii aan la soo qaban kooxdii dilka gaysatay,sida ay soo weriyeen dad ku sugan Dararweyne

Dagaallo qaraar oo ku salaysan aanooyin qabiil ayaa hore degaankaasi ugu dhexmaray labada beelood,hase yeeshee dhowr bilood ka hor ayaa la sheegay in laga heshiiyay.

PUNTLAND POST

The post Xiisad dagaal oo ka aloosan Dararweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this