Deeq A. Posted November 5, 2018 Wefdi ka socda QM oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Nicholas Haysom ayaa lagu wadaa in uu Isniinta maanta ah gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wefdiga ayaa la filayaa in uu koonfurta Gaalkacyo kula kulmo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo madaxa xukuumaddiisa Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo. Suxufiyiinta ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in wefdiga Qaramada Midoobay uu mas’uulitiinta Galmudug kala hadli doono xal u-helidda arrimaha khilaafka xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku midaysan madasha iskaashiga. Sidoo kale socdaalka wefdiga ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf gudaha ka dhex jiro dowlad goboleedka Galmudug,kaasoo u dhexeeya laba garab oo ku kala sugan Cadaado iyo Gaalkacyo. Dhinaca kale waxaa la filaa in ay Gaalkacyo soo gaaraan wefdi ka socda xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matela maamulka Galmudug,kuwaasoo u imaanaya xallinta khilaafka fogaaday ee kala qeybiyay madaxdii sare ee maamulkaasi. PUNTLAND POST The post Wakiilka QM oo la kulmaya garabka Xaaf iyo Shaakir appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites