Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka socda Aqalka Sare iyo QM Oo ku wajahan Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo wafdi kale ee uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka laga helayo magaaladaasi ayaa sheegaya in diyaar garow xoogan loogu jiro soo dhaweynta mas’uuliyiintani oo saacadaha soo socda tagi doona halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahan ka socda Aqalka Sare iyo QM ay kala hadli doonaan madaxda sare ee Galmudug xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo badan saaka lagu arkayo Waddooyinka waa weyn magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shalay waxaa Gaalkacyo gaaray Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir, kuwaas oo xalay ku hoyday gudaha magaaladaasi.

The post Xubno ka socda Aqalka Sare iyo QM Oo ku wajahan Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this