Sign in to follow this  
Deeq A.

OSLO: Mahad Abiib Oo Ah Soomaali Dawladda Norway Sharciga Kala Noqotay Oo Go’aansaday Inuu Dalkiisi Hooyo Ku Laabto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Oslo) Mahad Abiib oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan Dalka Norway sharciga wayna ay kala noqotay Dawladda Dalkaasi  ayaa  sheegay inuu go´aansaday inuu dib ugu noqdo Waddankiisi  Hooyo. Wuxuuna u mahadceliyay dadkii garab istaagay xiliyadii adkaa ee uu soo maray mudadii ay socotay maxkamada u dhaxeysay isaga iyo dowlada Norway.

5845D1EF-790E-4868-AC29-C3E3A1CD4074.png

Abiib ayaa labo isbuuc kahor markii labaad kasoo muuqday maxkamada Oslo, isaga oo racfaan ka gudbiyay go´aankii ay kiiskiisa ka gaartay maxkamada Oslo. Maxkamada racfaanka Oslo ayaan wali go´aan ka gaarin kiiska dacwada racfaanka Mahad Abiib, laakiin Abiib ayaa sheegay inuu go´aansaday inuu Norway isaga tago, uuna ku noqdo dalkiisii, dhinac walba oo ay dacwada racfaanku u dhacdaba.

Mahad iyo kiiskiisa ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay dhinaca kale u rogay sharciyada quseeya kala noqoshada dhalashada Norway. Waxaana dartiis iyo dagaalka uu la galay dowlada Norway, lagu badalay ilaa shan qodob oo ku saabsan xeerka soo galootiga dastuurka Norway.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this