Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Sheegay In Aanay Gobollada Galbeedku Doorashada Galayn Ilaa Saami Qaybsiga La Saxo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku taliyey in la tixgeliyo go’aankii Maxkamadda sare ee 2005, ee ahaa in Doorashada Wakiillada ee dambe in lagu galo saami qaybsi iyo in tirikoob la sameeyo.

xildhibaan-aaareye.jpg

Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Markii la qabanaayey Doorashada Golaha Wakiillada ee 2005, ayaa wakhtigaas waxay Maxkamadda Dastuuriga ahi ay go’aamisay in Doorashada dambe ee Golaha Wakiillada in lagu galo iyada oo la sameeyey tirikoob, imikana si ay Doorashadu inoogu qabsoonto, waxa haboon in la sameeyo
tirikoobkaas iyo saami qaybsi, waana in sideeda loo fuliyaa go’aankaas Maxkamadda sare ay go’aamisay, haddii aanu nahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Salel iyo Awdal mawqifkaygu waa in la sameeyaa Tikikoobkii iyo Saami qaybsigii kuraasta Barlamaanka, waana in la fuliyaa go’aankii Maxkamadda sare ee 2005, waana ayaan daro weyn haddii la dhaqan galin waayo go’aanka Maxkamadda sare”

Xildhibaan Aareeye mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Xisbiyadu Mucaaradku haddii ay ku kalsoonaan waayeen Komishanka, xaq bay ku taagan yihiin, mar haddii ay cadaalad daro ku tuhmeen oo ay yidhaahdeen kuma kalsoonaan karno, xaq bay u leeyihiin in laga bedelo, madaama ay diidan yihiin”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this