Sign in to follow this  
Deeq A.

C/risaaq Cumar “Dadkii Al Shabaab maal-gelin jiray ayaa madax ka ah NISA”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku tilmaamay madaxda iminka haysa talada hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA in ay yihiin Al-Shabaab.

Hadalka Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa ku soo aadaya saacado kaddib markii ay NISA boggeeda Twitter-ka ku shaacisay in ay hakisay qandaraasyo MAALAAYIIN dollar ah oo hore uu Cabdirisaaq u bixiyey.

Qoraalka Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq ayaa sidan u dhignaa “Sheekada Murugada ah ayaa ah in hay’adeenna sirdoonka ay madax u yihiin shaqsiyaad xiriir xooggan la leh Al-Shabaab, isla dadkii buunbuunin jiray Al-Shabaab, siin jiray dhaqaalaha oo dhisay amniyaadka ayaa ah kuwa lagu aaminay in ay la dagaalamaan.”

Qoraal kan ka horreeyey oo uu isla Twitter-ka soo dhigay ayuu Cabdirisaaq ku tilmaamay in NISA isu bedeshay NSS-tii Kacaanka oo lagu baqdin galiyo siyaasiyiinta.

“NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska”

NISA ayaa sheegtay qandaraasyada la hakiyey loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada.

Baaritaanka NISA ay sameysay ee lagu hakiyey qandaraaska, ayaa waxaa lagu ogaaday in muddadaas ay hay’adda uga baxday qandaraaska lacag 10 milyan oo dollar ah.

Shirkadda qandaraaska la siiyey, ayaa waxa ay NISA ogaatay, sida ay sheegtay, inay si wadajir ah u leeyihiin wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar iyo nin seedigiis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this