Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur : – ” Hadalkii M/weyne Farmaajo waxa uu ahaa Daandaansi iyo Dagaal “

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1513968528447-300x300.jpg
Cabdirxmaan Cabdishakuur Warsame

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta u waramaaya Idaacad BBC lanteeda afka Somaaliga ayaa sheegay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey South Sudan waxa uu ahaa mid mid Daan-daansi iyo Dagaal ka muuqdo, isla markaana kulankii iyo gogoshii uu ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedadu waa waxba kama jiraan iyo hadal aan xaqiiq aheyn.

Sidoo kale Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay qoraal uu ku muujiyey in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay in uu wax ka qabtåo hawlihii loo igmaday, lakiin nasiib xumo uu ka qeyb galay oo marqaati ka noqday heshiis nin isagoo kale aha waa (Salva Kiir Madaxweynaha South Sudaan ) oo labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo.

Halkan ka akhriso Qoraalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Faceboon :

Haddii ciidanka, dakhliga, garsoorka iyo shaqaalaha rayadka ay gobollada dalka ku kala firirsan yihiin. Haddii inta badan amniga dalka uu ku tiirsan yahay 22-kun oo askar shisheeye ah; kuwaas oo aan toos kaaga amar qaadan, iyaguna aan kala amar qaadan ee caasimadaha dalalkooda toos uga amar qaata. Haddii lagaa rabo in aad Al-Shabaab meel saarto oo aad isku duubni, awood ciidan, fikir diineed, falsafad siyaasadeed iyo aragti qaran ku maquuniso ama kula heshiiso; taasina ay kaaga baahan tahay dadaal, dood, hadal deeqsiin iyo dad soo jiidasho leh.

Haddii dastuurka dalkaagu qabyo yahay, doorasho qof iyo cod ah in aad qabato lagaa rabo. Haddii aysan misaaniyadda dalkaaga dhammayn xafiiska xeer ilaaliyaha dawladda deriskaaga ah ee Kenya.

Haddii aad marqaati ka tahay heshiis nin (Salva Kiir) labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo.

Haddii adigoo intaasoo idil og aad buur dheer saarantahay oo markii aad hoos u eegto intii talada kula lahayd kula yaryaradaan , iyaguna markii ay kor kuu eegaan adigoo buurta dhaladeeda saaran wax yar aad la tahay. Tolow waa su’aale sideed xal ku gaari kartaa? mise kolkii aad soo xiiqdo ayaad mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen “haddaan soo xasilay na oran doontaa”??

Halkan ka dhegeyso Wareysigii Mudan C/raxmaan C/Shakuur maanta uu siiyey BBC laanta afka somaaliga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this