Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo guulaysatay diyaarinta xeerka shaqaalaha iyo siyaasada horumarinta dhalinyarada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlada Puntland, ayaa sheegtay inay ku guulaysatey diyaarinta siyaasadaha xeerarka iyo habraacyada maamulka shaqaalaha dawladda Puntland iyo sidoo kale diyaarinta siyaasada horuumarinta dhalinyarada.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Axmed Cabdalla Tigaana ayaa sheegay inay xeerarkaan dhammaantood mareen golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland, ayna bilaabanayso fulintooda iyo baahinta siyaasadaha iyo xeerarka maamul.

Tigaana, ayaa u mahad celiyay dhamaan shaqaalaha wasaaradda oo muujiyey dedaal iyo hufnaan aqooneed taas oo u horseeday guulaha wasaaradu gaashey.

Waxaa si gaar ah agaasimuhu ugu mahad celiyay wasiirka iyo wasiir kuxigeenka sida kalsoonida leh oo ay u maareeyeen hawlahan shaqo awood buuxda iyo kalsoonina ku bixiyeen in la hir geliyo howshaan adag ee juhdiga badan lagu bixiyay..

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this