Sign in to follow this  
Deeq A.

Eedaymaha Musuqmaasuq ee loosoo jeediyey Wasiirka Maaliya DF oo durba saameyn ku yeeshay deeq bixiyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

images.jpgIyadoo ay horey Maamul Goboleedyadu ay eedeymo xoogan usoo jeediyeen Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseyn Beyle ayaa waxaa iyana xigey eedeyntii shalay ay Xisaabiyaha Guud ay Wasiirka ku eedeysay Musuqmaasuqa, taasi ayaa hada daaha ka qaadey warar kala duwan oo sheegaya in wasaarada Maaliyada iyo Masiiliyiin sar sare ay ku lugleeyihiin musuqmaasuq baaxad weyn oo ka socda Guud ahaan Hay’adaha Dowlada.

Warar dublamaasiyadeed oo hada soo gaaray Warbaahinta Puntlandi.com ayaa sheegaya in Wasaaradu ay baajisay kulamo maalmaha soo socda ay la yeelan lahayd Qaar ka mid ah Hay’ado ka socda Deeq bixoyaasha, Waxaa iyana hada Villa Soomaaliya ka socda abaabul xoogan oo lagu daboolayo fadeexdaan dhaqaale ee Wasiirka Maaliyada lagu eedeynayo.

Dhanka kalena warar aan helayno ayaa sheegaya in Xisaabiyaha Guud Faadumo Cusmaan Faarax uu wasiir Beyle uu horay uga digay iney farahalasoo gasho shaqadiisa, digniintaan wasiirka ayaa timid kadib markii Xisaabiyaha guud ay ka war heshay ama ogaatay lacago fara badan oo shaqsiyaad gaara ay kala bexeen koontada Dowlada,iyo Kharashaad lagahelay deeqbixiyaasha oo loo isticmaalay meelo aan loogu tala galin, kharashaadkaasoo loo sameeyey waraaqo faaliso ah.

Wasiirka Maaliyada ayaa hada wuxuu wadaa dadaal xilka looga qaadayo Xisaabiyaha guud, kulan uu shalay la yeeshay Masuuliyiin ka socda Villa Soomaaliya ayaa u muuqda midkiiska lagu daboolayo iyo in uusan kiiskaan ku saabsan Musuqmaasuqa lagusoo eedey wasaarada Maaliyada uusan wax u dhimin dhaqaale hada laga sugayo Bankiga Caalamka World Bank, laakiin sida aan Warar kale ku helnay Xisaabiyaha Guud waxay warqad u qortay Dhowr wadan oo deeq bixiyaasha Soomaaliya taageera ka mid ah si ay u hakiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaarada Maaliyada ilaaa laga gun gaarayo xisaab xir ay iyadu wado oo ku salaysan tuhun Musuqmaasuq.

Wasiirka Maaliyada ayaa isna hada wada dadaal uu doonayo inuu degdeg ku meelmariyo miisaaniyada Dowlada ee 2019-ka kasoo, miisniyada uu wasiirku soo diyaariyey waxaa kamid ah lacago faro badan oo loogu tala galay dhismaha Ciidan qaran, Dhismaha hay’adaha Dowliga ee Gobolada dalka.

Apunatlandi.com
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this