Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee Amniga DF “NISA waxaa la wareegay Al-shabaab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Studio_20181104_131152.jpg
Wasiirkii hore ee Amniga Dowlada Federaalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed oo iminkana ah Xildhibaan Federaalka soomaaliya ayaa shaaca wuxuu ka qaadey in Al-shabaab aysi toosa ula wareegeen hogaanka NISA, Wasiirkii hore wuxuu sheegey in Shaqsiyaad aad loo yaqaan oo waligood si hoose oo niyad ah u taageeri jirey Al-shabaab ay hada madaxka yihiin Ha’yada sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee loosoo gaabiyo NISA.

Hadalka Wasiirka ayaayimid ka dibmarkii Masuuliyiinta hada u taliya NISA ay hor istaageen Qandaraasyo uu wasiirku horey u saxiixay, qandaraasyadaasoo joojintoodu ay jaanis wanaagsan u tahay Al-shabaab.

Wasiirkii hore ee Amniga ayaa muujiyey inuu ka walwal san yahay xaalada amaan ee Dalka maadaama hay’adii Sirdoonka loo gacan galiyey amaba ay Alshabaab la waregeen, Wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday in shaqsiyaadka hada ugu sareeya NISA ay yihiin kuwii Suuqyada la yaagnaan jirey Dacaayadaha lagu taageerayo Al-shabaab, qaarkoodna ay dhaqaale ku caawin jireen.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi helayaan waxay kaloo sheegayaan in dhowaan Taliye Booliis loomagacaabay wiil ay raysal wasaaraha iskuheyb yihiin, isla markaasna kamid ahaa dadka u ololeeya Al-shabaab, wiilkaan loo magacaabay taliyaha Booliska xaafad ka tirsan Muqdisha ayaa wuxuu la dhashay Shiikh Yusuf Gacal “Kaba ku tukade” oo jago weyn ka hayaa hogaanka Al-shabaab.

Hay’ada Sirdoonka ee NISA ayaa sanadii ugu dambeysay waxay noqotay mid burburtay aadna loo curyaamiyey marka loo eego qaabkii ay u shaqayn jirtey, waxaa shaqada laga eryey 60% ciidankii sirdoonka ee NISA, shaqadeedana waxaa hada lagu soo koobay mid siyaasad oo qura.

Sargaal horey uga tirsanaa NISA oo Puntlandi la hadlay wuxuu yiri “Al-shabaab baa NISA u qayishay xididana ka siibtay,si tartiib ahna way u burburiyeenoo hawaday ka saareen”

Tuhun noocaan ah waxaa horey u qabay fartana ugu fiiqay Maamul Goboleedyada oo aakhirkii go’aansadey iney iyagu samaystaan Ciidan Qaran iyo Ha’yad Sirdoon oo ka dhaxaysa Maamul Goboleedyada.

Puntlandi.com
Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this