Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News Madaxweyne Gaas oo mar kale u tartamaya Xilka Madaxweynanimada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Studio_20181104_141221.jpgInkastoo wararka suuqa ay ahayd in madaxweyne Gaas uu yahay Musharax Madaxweyne 2019,dhankiisana aan wali laga maqal inuu tartamayo iyo inkale , Laakiin warbaahinta Puntlandi ayaa maanta ogaatay in mar kale uu Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu isku dayayo inuu noqdo Madaxweynaha Dowlada Puntland sidaas awgeed wuxuu hada kusoo biiray Murashixiinta tartamaya Doorashada Janaayo 2019-ka ka dhacaysa Garowe.

U kuur gal dheer oo ay sameeyeen Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu bishii hore ee Oktoobar uu bilaabay ololihiisa Doorashada, kaasi oo si hoose u socda, bishaannovember kowdeedii waxaa la diyaariyey boorarkii Musharxnimada oo sawirkiisu ku dhagan yahay.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Gaas wuxuu hada diyaariyey Kooxda Abaabulaysa Ololihiisa doorashada, oo isugu jora wajiyo horay loogu arki jiray agagaarkiisa iyo kuwo cusub oo hada kusoo biirat Team-kiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya mid kamid ah Murashixiinta ugu miisaanka weyn Raga Tartamaya, ilaa hada ma jiro qof dumar ah oo isu soo taagey u tartamida Doorashada 2019.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this