Sign in to follow this  
Deeq A.

Caddeyn Iyo Sawirro: Xisaabiyaha Guud Waa Qeyb Ka Mid Ah Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisaabiyaha Guud ee dowladda marwo Faadumo Cusmaan Faarax marka laga soo tago inay been abuur, marin habaabin, qas iyo xad-gudub maaliyadeed ku eedeysay xafiiska wasiirka maaliyadda ee JFS hadana waxaa ay sheegtay inay howlahooda kala madaxbannaan yihiin wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska xisaabiyaha guud , iyada oo intaas raacisay in shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aaney ka mid aheyn kuwa wasaaradda maaliyadda, isla markaana aanu wasiirka magacaabi karin.

Hadda Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa in sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda, lagana heli karo ciddii booqata in xafiiska xisaabiyaha guud ku jira qeybaha ama hey’adaha hoos taga wasaaradda maaliyadda, isla markaana uu ka amar-qaato wasiirka maaliyadda, lana xisaabtamo.

webka-1024x500.png

Sida aad ku arki-doontaa shaxda hoggaanka wasaaradda maaliyadda, xafiiska xisaabiyaha guud waa qeyb ka mid ah  xafiisyada wasaaradda maaliyadda, isla markaana ay qasab tahay inuu amro, lana xisaabtamo, haa, waxaa la xisaabtamaayo xisaabiyaha guud ee qaranka wasiirka maaliyadda, waa sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda iyo shaxda maamul ee wasaaradda.

minister.jpg

Isla Website-ka waxaa ku qoran sida ay isu hoos tagaan iyo sida loo kala sareeyo ama habka xogta la isu siiyo amarradana ay maraan.

xisaaiye-1024x612.png

Arrinta website-ka wasaaradda maaliyadda ku qoran waxaa ay ka hor imaaneysaa warka ay sheegtay xisaabiyaha guud ee Faadumo Cusmaan Faarax iyo sida ay dad badan aamisan yihiin oo ah in xisaabiyaha guud uu la xisaabtami karo dhammaan wasaaradaha oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda.

Haddaba, waxaa su’aal ka taagantahay haddii ay labada xafiis kala madaxbannaanyihiin, maxaa keenay in wasiirka maaliyadda uu is hoos-geeyo? Haddii aysan kala madaxbannaaneen maxaa keenay muranka?!

Waxaa xusid mudan in hey’adaha madaxabannaan uu ku jiro xafiiska hanti-dhowrka balse aanu ku jirin xafiiska xisaabiyaha, arrintaas oo u baahan in dood dheer laga galo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this