Sign in to follow this  
Deeq A.

“Yariisow waa guul-wade, hadalka kasoo baxay waa loo soo dhiibay” waxaa yiri…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii jimcihii, hadal ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu ku weeraray Siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Federalka Somaliya, ayaa hadalkaasi waxaa jawaab celin ka bixiyay Siyaasiyiintii weerarka afka lagu qaaday.

Xildhibaan hore Cabdi Jabriil Yuusuf ayaa sheegay hadalka Gudoomiye Yariisow uu sheegay inuu ahaa mid loo soo dhiibay, islamarkaana uu ugu guulwadeynaayo dowladda Somaliya.

Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho in ayaandaro wayn ay ku tahay inuu u gafo Siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda Federalka Somaliya, wuxuuna intaasi ku daray marnaba in aan la caburin karin Siyaasiyiinta.

“Siyaasiyiinta lama caburin karo, waa ayaandaro wayn hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Yariisow, waan dhageystay waxaan leeyahay waa hadal laguu soo dhiibay ee shaqadaada ka adkaaw Gudoomiye.” Ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre.

Hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa noqday mid saameyn dhaliyay, kadib markii Xildhibaano kala duwan ay ka soo hadleen oo ay ka jawaabeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this