Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtaar Roobow oo ka hadlay Mowqifka uu qaadanayo hadii looga adkaado Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh_Roobow_Baydhabo_KGS.jpg?resize=81Baydhabo (PP) ─ Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo oo ka mid ah xubnaha u tartamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay inuu aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo 17-ka bishan.

Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in haddii laga guuleysto uu soo dhaweynayo musharraxa xilka kusoo baxa, wuxuuna meesha ka saaray inuu natiijo walba oo soo baxda uu ka hor-imaanayo.

“Haddii aanan ku guuleysan waayo Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed, oo uu yimaado mid danta deegaanka iyo diinta wada, waan garab is-taagi doonaa, ma dhihi doono Yaasiin aan aniga ku jirin Aqbal ma ahan,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale, Khudbad uu u jeediyay Ardayda wax ka barata Jaamacadaha iyo dugsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo, ayuu u ballan-qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu xoojin doono aqoonta iyo Waxbarashada deegaannada Koonfur-galbeed.

“Xilka haddii aan ku guuleysto waxaan dhihi doonaa yaa cadowga uga hor-tagaya qori, yaa qalin ku difaaci doona Koonfur-galbeed. Haddii aan intaas isku raacno waxaa heli doonaa ammaan iyo caddaalad,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali.

Dhanka kale, Mukhtaar Roobow oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegay inuu dagaal ku qaadi doono Al-shabaab, isagoo ka codsaday shacabka Koonfur galbeed inay ku garab-siiyaan sidii cadawga ku soo duulay ay isaga difaaci doonaan qori.

Ugu dambeyn, Mukhtaar Roobow ayaa xilka hoggaanka Maamulka Koonfur-galbeed kula tartami doona in ka badan labaatan hoggaamiye oo qaarkood la sheegay inay wadato dowladda Somalia, waxaana xubnaha doorashada ka qayb-galaya ka mid ah madaxweynaha xilligan ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

PUNTLAND POST

The post Mukhtaar Roobow oo ka hadlay Mowqifka uu qaadanayo hadii looga adkaado Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this