Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Yaa bixiyay amarka dhalinyarada magaalada Muqdisho timaha looga Jarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay dareemay culees ah in laga jarayo timaha ay u jartaan hanaanka ka baxsan sida wanaagsan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay arintaasi xog dheeri ah ka bixiyay, waxaana ay sheegeen inaysan aqbali karin in dhalinyarada magaalada Muqdisho laga qaado xoriyadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa markii ugu horeysay arintaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay inay la yaabeen markii ay ogaadeen cidda bixisay amarkaasi.

“Walaalayaal waxaan waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga Xamar Jajab u gaar ahaa”

“Waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyrada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan”ayuu yiri Mr Tuulax.

Dhalinyarada Degmooyinka Xamar Jajab, Xamarweyne, Waaberi iyo Hodon ayaa dareemay culeeska timaha dhalinyarada looga jarayo.

Arrinta la xiriirta ka jarista Timaha ee dhalinyarada ayaa waxaa horay Caan ugu ahaa Maxkamadihii Islaamiga,waxana hadda uu ku dambeeyaa deegaanad aya dalka ka joogaan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this