Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada ajaaniibta Shabaab ay iska dileen bishii October oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab oo ka dagaalama Somalia ayaa bishii lasoo dhaafay waxay dileen ku dhawaad 10 ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay ee October labo jeer sameeyay toogasho wadareed, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Sirdoonka Kenya oo kaashanaya Hay’addaha CIA iyo MI6 oo dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska laga leeyahay.

Al SHabaab ayaa toogashadaasi labada jeer ku sameeyay dagaalyahano Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamayay, waxaana badankood la sheegay inay Kenyan ahaayeen, sida warbixinta lagu sheegay.

Sidoo kale waxaa ku jiray dadkaasi Soomaali u dhalatay dalka Kenya iyo Cawaale Axmed Maxamed oo la sheegay inuu yahay Dagaalyahan Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska.

Al-shabab ayaa Raggaas ku eedeeyay in ay u basaasayeen Hay’adaha sirdoonka ee waddamada ay dhalashada ka heystaan, laakiin ay iska dhigayeen inay yihiin dagaalyahano daacad u ah Jihaadka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ragga la toogtay ay da’dooda u dhaxeysay 22 ilaa 36 jir,waxaana qeybta 1aad la toogtay 10kii October halka qeybta labaad la toogtay 12kii October laguna hor dilay boqolaal dadka Degmada Saakow ka tirsan.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in xubno Kenyaan ah oo ka baxsaday Al-shabaab ay xaqiijiyeen in weerarrada isqarxinta ah iyo Ciidamada lugta ee dagaalka gala badanaa Al-shabaab u adeegsato dadka ajannabiga ah si loo yareeyo saameynta ay ku dhex yeelan karaan Ururka loona hubiyo heerka daacadnimadooda.

Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in tobanka qof ee la toogtay ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay la shaqeeyeen Hay’adaha sirdoonka Dowladda Federaalka ah,Kenya, Ingiriiska iyo Mareykanka,islamarkaana mas’uul ka ahaayeen duqeyn loo geystay madax sare oo ka tirsan Al-shabab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this