Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur Gobaleedka IGAD iyo Aqalka Sare oo ka hadlay qaabka loo xallin karo Khilaafka DF iyo Maamulada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka  Urur Gobaleedka  IGAD ee u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Maxamed Cali guy iyo Gudoonka Aqalka Sare  ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen Xiisada u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira Dalka.

Ergayga Gaarka ah ee Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa uu amaanay door wanaagsan ee aqalka sare ay ka qaadanayaan xal u raadinta Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ee Ka jira dalka.

Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid aad xasaasi u ah, islamarkaana uu soo dhaweeyay wakiilka dadaalka ay wadaan Aqalka Sare, kaasi oo ku aadan in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this