Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Puntland oo taageeray shirkii GIDG

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee todobaadkii hore ka qabsoomay magaalada Garoowe,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

War-murtiyeedka shirka Khamiislaha  ee golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale lagu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka ku maammulayso,kaasoo sida qoraalka ku xusan lagu tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka.

Dhinaca kale shirka ayaa lagu meel-mariyay siyaasadaha  shaqada &shaqaalaha iyo horumarinta dhalinyarada,kuwaasoo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,sida war-murtiyeedka ku qoran.

SAXAAFADEEDKA.jpg?resize=720%2C931&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Golaha wasiirada Puntland oo taageeray shirkii GIDG appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this