Deeq A. Posted November 1, 2018 Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee todobaadkii hore ka qabsoomay magaalada Garoowe,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-murtiyeedka shirka Khamiislaha ee golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale lagu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka ku maammulayso,kaasoo sida qoraalka ku xusan lagu tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka. Dhinaca kale shirka ayaa lagu meel-mariyay siyaasadaha shaqada &shaqaalaha iyo horumarinta dhalinyarada,kuwaasoo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,sida war-murtiyeedka ku qoran. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo taageeray shirkii GIDG appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites