Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo warar hordhac ah oo laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War goor dhow na soo gaaray  ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay Wadada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka.

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo ah nuuca Soomaalida u taqaano gaari qooqan.

IMG_20181101_135910.jpg

Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku qulqulaya goobta qaraxu uu ka dhacay si ay ugu gurmadaan dhibbanayaasha.

Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this