Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Kulan Gaar ah la qaatay Xildhibaanada Koofur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xog ogaal ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in kulan gaar ah uu xalay dhex maray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanada Koofur Galbeed oo shalay kusoo  laabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Koofur Galbeed iyo doorashada maalmo kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye Maxamed Mursal C/raxmaan u gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo iyo rajada ay ka qabaan doorasho nadiif ah oo ka dhacda magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada Koofur Galbeed kula dardaarmay inay doortaan ruuxa ay u arkaan inuu u wanaagsan yahay shacabka deegaanada Koofur Galbeed oo aysan dantooda kaliya eegan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dareemaya culees siyaasadeed oo kaga imaanaya dowladda Soomaaliya, waxaana magaalada Baydhabo ku sugan musharixiin la tuhunsan yahay inay taageero dhaqaalo ka helayaan dowladda Somalia.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay waxaana maalmo kadib la filayaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, haddii aan wax laga badalin qorshaha doorashada Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this