Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay Warqad kasoo baxday Dabageed oo ka taagan magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii maanta wareegto ay kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa waxaa arintaasi ka jawaabay Duqa degmada Beledweyne oo kamid ahaa dad maanta Shaqo joojin lagu sameeyay.

Duqa degmada Beledweyne Cali C.qaadir Faarax, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Beledweyne, ayaa si cad u sheegay in marnaba uusan aqbaleyn Warqadda kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Duqa degmada Beledweyne, ayaa iska fogeeyay eedeynta kaga timid guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo aheyd inuu lunsaday hanti dadweyne, taasi oo maanta lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Duqa magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo wasaaradda arrimaha gudaha looga baahan yahay inay xal buuxa ka gaarto khilaafka cusub ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Madax ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xiisadda cusub maanta laga dareemay magaalada Beledweyne, lagana cabsi qabo in qaab qabiil ay isku badasho xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Cali C.qaadir ayaa sheegay in weerar cad lagu soo qaaday xafiiska duqa magaalada Beledweyne, isagoo sheegay in haddii aan wax laga qaban inuu Jawaab cad ka bixin doono, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka dhageyso codkiisa

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Duqa-degmada-Baladweyne-Cali-Cabduqaadir-Faarax.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this