Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiin Xarig iyo Shaqo Joojin la isugu daray Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa maanta xabsiga u taxaabay2 kamid ah masuuliyiinta gobolka Hiiraan isaga oo sidoo kale shaqo joojin ku sameeyay Duqa magaalada Baladweyne.

Waxaa xabsiga loo taxaabay Agaasimaha waaxda dhul bixinta dowlada Hoose Xuseen Maxamed Fiidoow iyo Xogahaya Dowlada Hoose Cabdi Kariin Maxamuud Xasan waxaana shaqo joojin lagu sameeyay Cali Cabduqaadir Faarax oo ah Duqa Magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha Yuusuf Daba Geed oo la hadlay wariyaasha ayaa masuuliyiintaasi la xeray iyo kuwa shaqada laga joojiyay ku eedeeyay lunsasho hantiyadeed

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Gudoomiyaha.mp3

Sidoo kale Duqa Baladweyne oo isna la hadlay wariyaasha ayaa ka hor yimid eedeeyntaasi iyo amarka shaqo joojinta ah ee lagu sameeyay isaga oo sheegay in ay sii wadan doonaan waajibaadkooda shaqo.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Duqa.mp3

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa horay u balan qaaday in ay tilaabo sharciga waafaqsan uu ka qaadi doono cid walba oo ka hor timaado sharciga xabsigana uu u taxaabi doono.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post 

 

The post Masuuliyiin Xarig iyo Shaqo Joojin la isugu daray Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this