Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweyne ku saabsan Dib u-heshiisiinta oo Garoowe ku soo xidhmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaaladda Garoowe waxaa lagu soo gabagabaeeyay Shir looga hadlayay diyaarinta hanaanka dib-u-heshiisiinta Qaran, kaasi oo socday muddo labo maalmood ah.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socday Hay’adaha dowliga ee Puntland  iyo bulshadda rayidka ee Puntland, waxaa kaloo ka qaybgalay khubro ku takhakhustay xalinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur Jubba oo ka hadlay shirka  ayaa sheegay in ujeedku yahay in la ururiyo fikradaha iyo talooyinka ku aadan dib-u-heshiista, ee ay hayaan howlwadeenadda hay’adaha dowladda iyo bulshadda rayidka ee Puntland.

Hay’adaha dowladda iyo Bulshada rayidka ah waanu la kulanay, waxaanuna ka helnay fikrado iyo talo soo jeedino kal duwan iyo qaabka loo abaari karo hanaanka dib-u-heshiisiinta iyo sidii wadatashi guud looga yeelan lahaa halka loo marayo” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

Mar haddii laga hadlay dib-u-heshiisiin, maxaa laga heshiinayaa, waxa laga heshiinaya ma aha labo reer oo is laayay, markii haddii dowladii dhexe ee Somaliya burburtay waxaa loo baahan yahay hanaan ku aadan dib-u-heshiista la iswafajiy, dabcan waxaa samaysmay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaal ah. waxaanu u baahan nahay aarada dadka reer Puntland ee xasilinta dalka” ayuu yiri

Wuxuu u mahadceliyay hay’adda Finland Church Aid (FCA) oo ka taageertay wasaaradda arrimaha gudaha qabashada  shirka  wadatashiga ah ee diyaarinta hanaanka dib-u-heshisiinta Qaran.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii loo diyaarin  lahaa hannaan dhamaystiran oo dib-u-heshiisiinayd oo wax lagaga qabto khilaafyada bulsho iyo siyaasadeed ee ka jira degaamadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay maamulka Puntland.

vlcsnap-2018-10-31-07h44m59s540-1024x576 5I2A0103-1024x575.jpg?resize=1000%2C562& vlcsnap-2018-10-31-07h44m07s124-1024x576 5I2A0175-1024x575.jpg?resize=1000%2C562& vlcsnap-2018-10-31-07h42m29s262-1024x576 vlcsnap-2018-10-31-07h43m02s695-1024x576 vlcsnap-2018-10-31-07h44m34s633-1024x576 vlcsnap-2018-10-31-07h43m29s689-1024x576 vlcsnap-2018-10-31-07h42m37s667-1024x576

PUNTLAND POST

The post Shirweyne ku saabsan Dib u-heshiisiinta oo Garoowe ku soo xidhmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this