Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo ka digtay fara-gelin lagu sameeyo doorashadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkiisa ayaa sheegay in ay mudnaanta kowaad siinayan xasiloonida iyo amnigaJubaland

Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga hadley inaysan ciidamadu qabiil iyo siyaasad midna shaqo ku laheyn ilaalinta amanka dalka iyo dadka ay shaqadoodu tahay waajibna ka saaranyahay.

Sidookale wasiirka ayaa sheegey in aysan Jubbaland ka dhici karin sida hadda ka dhacdey magaalada Baydhabo oo ay dhawaan doorasho ka dhici doonto taas oo ay Dowladda federaalka ahi gaysey musharaxiin wata gaadiid iyo ciidan u gaar ah.

Wasiirka ayaa sheegey in qofkasta oo isu soo sharaxaya xilka madaxtinimada Jubbaland uu xor u yahay inuu imaado lakin kaligiis oo aysan ciidan iyo wax khalkhal galinaya amniga la socon u kasoo dego garoonka lana soo dhaweynayo.

wasiirka ayaa sheegey haddii la isku dayo tan Baydhabo ka dhacdey oo kale in garoonka laga celin doono musharaxiinta noocaas u dhaqma amniga iyo xasiloonida Jubbaland-na aan looga indha qarsan karin shakhsi usoo diyaar garoobey khalkhal galinta amniga gobolka.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo ka digtay fara-gelin lagu sameeyo doorashadeeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this