Sign in to follow this  
Deeq A.

Faarax Macallin oo kashifay sir ku saabsan ciidamada Kenya iyo Ethiopia (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin ayaa riday qish weyn oo muujinaya hagardaamada ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Ciidamo aad u tiro badan ayaa labada dal ee jaarka la ah Soomaaliya jooga gudaha dalka iyaga oo aan ku soo galin amarka dowladda Soomaaliya.

Kenya waxa ay xoog ku soo gashay 2011 iyada oo sheeegeysa in ay Shabaab ka difaaceyso dalkeeda hawlgal ay ugu magacdartay ‘Linda Inchi’  ama difaaca dalka.

Hase ahaatee, difaaca Kenya ayaa soo gaaray goboladda Jubbooyinka oo dhan, taas oo ah arrin lagu qoslo, markii dambena waxa ay ku biireen ciidamada AMISON!

Sidaas oo kale, Itoobiyaanka oo dalka ka baxay 2009-kii ayaa iyagana ku soo laabtay amar la’aan dowladdii Xassan Sheekh, gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo waliba Bay iyo Bakool.

Intii ay dalka joogeen, labadaas ciidan ee kuwada biiray AMISON, ma jirto dagaal muuqda oo ay ku qaadeen Al Shabaab waxa ayna hawlgalkooda ku soo koobeen joogidda magaalooyin iyo is difaacid oo qura!

Faarax Macallin oo ah siyaasi cod dheer oo ka falcelinaya maqaalka laga qoray dibin daabyada Itoobiya iyo Kenya oo lagu daabacay Website-ka thenewstatesman.com ayaa yiri-

“Haddii ayni u aadnay Soomaaliya (Jubbaland) 7 sano kahor in aan meesha ka saarno cabsida Al-Shabaab ee dalkeena Kenya, waxaan u baahannahay in aan dagaalka ula tagno xarumaha Al-Shabaab maadama aan haysanno hub kuwooda ka fiican. Dhanka kale, haddii aan u tagnay wiiqidda Muqdisho waxaa soo bixi doona cabsida maqaalkan.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this