Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo Ethiopian wata gaadiid dagaal oo gudaha u galay degmada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay gaareen ciidamo kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Ciidamadan ayaa lasoo sheegayaa inay watan gaadiid dagaal iyo hub xoogan waxa ayna fariisimo ka dhigteen duleedka Degmada.

Gaadiidka ay wataan ciidamadan ayaa waxaa ku jira nooca looyaqan beebaha iyo kuwo kale oo lagu daabulo ciidamada.

Gaadiidka ay wataan ayaa waxaa kamid ahaa nooca xambaara booyadaha biyaha iyo shidaalka kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku qaatan biyaha iyo shidaalka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay yihiin kuwo aad u xoogan isla markaana ay dhufeysyo ka sameysteen dhul duleedka ka ah degmada.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay duulan ku qaadan deegaanada la dajiyay ciidamada inta lagu guda jiro khilaafyada dowlada Dhexe iyo maamulka.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil isugu jirta Ethiopian iyo kuwa Soomaali ah waxaana la garan la’ yahay waxa uu yahay qorshahooda.

Weli lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamo Ethiopian ah ay xiligan tagaan degmada Guriceel oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ethiopia-1-1.jpg Ethiopia-2-1.jpg Ethiopia-3.jpg Ethiopia-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this