Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergodan “Waa in la sheegaa cidda uu kasoo fulay amarka ah in la dilo Khaashogji”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji.

Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Dilka weriyaha kaddib, Sucuudiga wuxuu xabsiga dhigay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyo sidoo kale waxaa shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare.

Balse mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this