Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo isugu yeeray BEELAHA Jubbada Dhexe, dalab culus-na hor-dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Bu’aale (Caasimada Online) – Maleeshiya ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada Jubbada Dhexe ka billaabay tallaabooyin ay isugu yeerayaan qabaa’ilka, ayaga oo hor-dhigaya dalabyo culus, oo beelaha ay aad u dhibsadeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen in Qabiil Qabiil ay dadku isku qaybiyaan ka dibna ay keenaan Hanti waxa ay heestaan.

“Qabiil kasta waxaa la balaminayaa maalin gaar ah, waxaana laga rabaa Xoolo hadii ay heestaan ama Beeralay hadii ay yihiin dalagyadii u soo baxay inay keenaan oo siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Culeyska ugu daran ayaa haatan wuxuu saaranyahay, Ganacsatada Beeralayda iyo Xoola Dhaqatada ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobalka Jubbada Dhexe.

Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha.

Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’. Halkan ka aqri qormo sharxeysa Infaaq.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this