Deeq A. Posted October 30, 2018 Ardayga la dilay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji Wiil arday ah oo magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji ayaa xalay lagu dilay magaalada Garoowe Dilka ardayga ayaa sida la sheegay waxaa geystay rag ku lebbisan dharka tuutaha ah ee ciidamada Puntland,kuwaasoo taleefonnadii ka furtay wiilka la dilay iyo gabar la socotay. Wiilka ardayga ah ayaa dhiganayay jaamacadda Boosaaso University faraceeda magaalada Garoowe,gaar ahaanna kulliyadda Caafimaadka,sida laga soo xigtay eheladiisa. Ciidanka amniga ayaa markiiba gacanta ku soo dhigay raggii dilkaasi geystay,sida uu Puntland post u xaqiijiyay taliyaha saldhiga dhexe ee Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile(Fardafuul). Taliyaha ayaa intaasi raaciyay in ragga la qabtay ay yihiin askar ka tirsan Booliiska oo ka baxay saldhiga dhexe ee Garoowe. Dhacdadaan ayaa ku soo beegmatay xilli magaalada Garoowe ay ka nasatay kooxaha shacabka dhaca u geysta oo qaarkood hubaysan yihiin,kadib hawlgallo joogta ah oo ay sameeyeen laamaha amniga gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Garoowe:Ciidanka amniga oo qabtay askar dil geysatay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites